Amniga Beledwayne ee Hiiraan miyuu faraha ka baxayaa Jayte ka dib ?

|

Beledwayne (ONKOD) Magaalada Beledwayne ee goboolka Hiiraan waxaa lagu qabtay kulan ujeedkiisu ahaa  amniga magaalada iyo deegaanada kale ee ku dhaw dhaw halkaas oo ay ka socdeen howlgal amniga lagu sugayo.

Waxaa ku sugnaa kulankan Guddoomiyaha magacaaban ee gobolka Hiiraan , waxaana shir guddoominayay Madaxwayne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar dabageed.

Shirkan inta uu socday waxaa lagu soo bandhigay arrimo ku saabsan sidii loo dardargalin lahaa howlgalka ka socday gobolka Hiiraan waxaana lagu soo hadal qaaday isbedel ka dhacay gobolka.

Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Dabageed ayaa sheegay Ahmiyadda ay leedahay in laga shaqeeyo xasiloonidda iyo nabadda guud ahaan magaalada Beledweyne.

Saraakiisha ka qayb gashay kulankan ayaa soo bandhigay sida muhiim ay u tahay ka xoojiyo wada shaqaynta maamulka iyo saraakiisha , taas oo sheegeen in wax badan ay ka bedeli karto amniga Gobolka Hiiraan.

Si kastaba Magaalada Beledwayne waxaa  ka taagan xiisad ka dhalatay xilka qaadistii Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, balse uu diiday, waxaana garab taagan Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha