Aqalka Sare oo ansixiyay xubnaha guddiga dib u eegista iyo la-socodka Dastuurka

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Fadhigii maantaa ee Aqalka Sare ayaa Senatarradu ku ansixiyeen shanta xubnood ee ku meteli doona guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgalinta dastuurka ee guddiga isku dhafka ah ee labada gole.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa sheegay in 43 mudane ay u codeeyeen ansixinta xubnaha guddigan, halka hal mudane uu diiday.

Xubnaha guddigan ayaa kala ah;

1. Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid

2. Iftiin Xasan Iimaan Baasto

3. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag

4. Saalax Axmed Jaamac

5. Xasan Xuseen Xaaji

Related Articles

News In English

Fikradaha