Aqalka Sare oo meel mariyay magacaabis muran dhalisay oo uu sameeyey Cabdixaashi

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii 5-aad ee Kalfadhiga 1-aad  ee Golaha, iyaga oo maanka ka doodayay meel marinta hab-dhowraha Golaha Aqalka Sare iyo ku xigeenkiisa.

Ugu horreyn kulanka waxaa daahfuray Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Senator Cabdixaashi Cabdullaahi, oo ay hareer fadhiyeen Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha aqalka sare Senator Cali Shacbaan Ibraahin iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha aqalka sare Senator Cabdullaahi Cali Xersi “Timacadde”.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sameeyey magacaabista hoos ku xusan.

1- Senator Samsam Ibraahim Cali Hab-dhowraha Aqalka Sare.
2- Senator Fartuun Cabdulqaadir Faarax (Karaama) Hab-dhowre ku xigeen.

Intaa ka dib Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka dooday magacaabista guddoomiyaha taas oo dood badan dhalisay, iyaga oo ugu dambeen ansixiyay magacaabista uu Guddoomiyaha sameeyay.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku dhawaaqay natiijada, isaga oo sheegay tirada mudanayaasha aqalka sare oo dhaneed 39 mudane ay meel mariyeen magacaabista, sidaasna ay ansax ku tahay.

Aqalka sare oo xilligii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ahaa mid hoos loo dhigay shaqadiisa ayaa afartaan sano ee u diyaar garoobaya sidii uu u qeyb qaadan lahaa horumarinta dalka.

Related Articles

News In English

Mogadishu police arbitrary detain and threaten journalists covering insecurity in the capital

Mogadishu (Onkod Radio), 4 July, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) strongly condemn the arbitrary detention, threats and...

Several people shot at Copenhagen shopping mall: Danish police

Denmark (Onkod Radio) –Danish police said several people had been hit by gunshots at a shopping mall in the capital Copenhagen. Police reinforcements have been deployed...

SJS and SOMA strongly condemn travesty trial and jail sentence on journalists in Somaliland

Mogadishu (Onkod Radio) – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) strongly condemn the travesty of trial and the one year and four...

Active participation of women and young people in peacebuilding is key to forging social cohesion in Lower Shabelle

Mogadishu (Onkod Radio) – 28 June 2022, Community members, including women and youth groups, met in Marka for the “Promoting Inclusive Action in Peacebuilding”...

Two TV journalists injured in a bomb explosion in central Somalia

Mogadishu (Onkod Radio) –  Somalia 27 June, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) condemn the bomb attack that has injured two...

Fikradaha

Dalkeena wuxuu u baahan yahay Ciidan Qaran oo Badbaadiya!

Tani waa farriin ka socota muwaadin Soomaaliyeed oo ay danqeyso xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli uu dalkeena baahi aad...