Arrinta layaabka badan oo su’aalaha dhalisay ee Fahad uu sameeyay inta uusan Xildhibaanka noqon ka hor

|

Muqdisho (Onkod Radio) Lataliiyaha amniga qaranka ee madaxweeynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Fahad Yaasiin, oo shalay tagay Magaalada Beledweeyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Magaca cusub ee Fahad, xildhibaanku ku noqday ayaa ah, Fahad Daahir Axmed, taasoo ay ka dhalatay dood badan iyo su’aalo ayadoo la is weeydiinayo halka uu ka yimid magacaani oo aan ahayn mid horay loogu aqoon jiray.

Fahad weligiis waxaa loo yaqiin Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo xitaa marka uu weriyaha ahaa uu afkiisa ka sheegi jiray. Sidaas darteedna su’aasha ayaa ah, Fahad ma hadda ayuu magaca baddeshay mise magaca Fahad Daahir Axmed, ayaa sax ah, oo weligiis wuxuu adegsan jiray magac aan sax aheyn oo ah Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Hal arrin oo suurta-gal ah, ayaa ah, in Fahad uu haysto baasaboor dal kale oo ugu qoran magaca Fahad Daahir Axmed, sidaas darteedna uu waafajiyay midkiisa Soomaaliga, maadaama ay fududahay in wixii uu doono uu ka sameysto Soomaaliya.

Fahad, ayaa horey loogu eedeeyay kaalin kulahaanshaha dilka Ikraan Tahliil, oo aheyd Sarkaalad ka tirsan hay’adda NISA, uu markaas Agaasime ka ahaa, sida ay ehellada marxuumadda ay u sheegen warbaahinta, inkastoo Maxkamadda Ciidamada, ay ku weeysay wax ku lug lahaansho ah, sida uu sheegay Dacwad oogaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Janeraal Cabdullahi Buulle Kameey.

La-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmaajo iyo xulafadiisa ayaa dadaal xooggan galiyay sidii uu kursigaas usoo qaadan lahaa, wuxuuna qorshaha kursigaan qeyb ka yahay xasaanad u helista xubno ka tirsan/tirsanaa NISA.

Fahad, ayaa 5-tii Sano ee lasoo dhaafay aad isku qarinayay ayaa toddobaadkan isoo bandhigay asagoona doonaya inuu ka mid noqdo Barlamaanka Federaalka ee Soomaaliya.

Sida lawada ogyahay Fahad, ayaa u tartami doono xilka guddoomiye ku-xigeenka ee baarlamaanka Soomaaliya, xilkaas oo uu horey u hayay Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey, oo daaqadda laga saaray, kadib markii uu kursigiisa kusoo baxay nin ay wateen xulafada Fahad.

Fahad Yaasiin, ayaa ka mid noqonaaya saraakiisha ku soo baxday doorashada, kuwaas oo ay ka mid yihiin saaxiibadiisi Cabdullahi Adan Kulane (Jiis), iyo Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey). oo iyaguna horey loogu doortay ka mid noqoshada Golaha Shacabka Soomaaliya, safka horena kaga jiray eedeynta kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Related Articles

News In English

Fikradaha