AS oo weerar ku qaaday fariisimo ciidan oo ku – yaala Galgaduud

|

Guraceel (ONKOD) Wararka laga helayo deegaano ka mid ah  gobolka galgaduud ayaa sheegaya in halkaas weeerar ay ku qaadeen maleeshiyaad ku saabsan kooxda Al- Shabaab

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Burujeed oo u dhexeeya degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur oo ka wada tirsan gobolka Galgaduud

Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaana lasoo sheegayaa in uu ka dhashay weerarkan saakay ka dhacay deegaanka Barujeed oo kuyaalla inta u dhaxeeya Guriceel iyo Ceelbuur.

Deegaanka Barujeed ee weerarku ka dhacay waxaa ku sugnaa ciidamo katirsan dowladda iyo kuwa kasoo jeeda beesha Ceyr, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan saacad oo labada dhinac dhax maray.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana jira khasaare soo kala gaaray labada dhinac.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya waxa ay sheegeen inay iska caabiyeen weerarka uga yimid Al-Shabaab, isla-markaana ay xubno badan uga dileen deegaanka Burijeed.

Related Articles

News In English

Fikradaha