Askari katirsan ciidanka KG oo xukun dil ah lagu fuliyay maanta

|

Baydhabo (ONKOD) – Askar la sheegay iney ka tirsan yihiin ciidanka xoogga dalka iyo kuwa maamulka K/Galbeed ayaa saaka lagu toogtay magaalada Baydhabo ka dib markii dhowaan maxkamada ciidamada qalabka sida ay xukun dil ah ku riday.

Sidoo kale, Ragga la toogtay oo ka kooban labo askari ayaa lagu helay iney dilal kala duwan u geysteen muwaadiniin Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Geedow Maxamed Fidle (Abuurow) oo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa lagu fuliyay Dil-toogasho taasoo ah Qisaasta Marxuum Mursal Cali Cabdi oo uu ku dilay Buur-hakaba, Dilka ayaa ka dhashay rasaas oo uu Geedoow huwiyay gaari Caasi ah oo ka yimid Muqdisho kuna sii jeeday Baydhaba.

Ismaaciil Cadullahi Cadiraxmaan (Dhagey) oo ka tirsan Xooga Dalka ayaa isna horay u dilay Marxuum Xuseen Ugaas Cabdiraxmaan oo ay qaraabo ahaayeen kana tirsanaa Saldhigga Boliiska Rabdhuure.

Dilka Xuseen ayaa ka dhashay muran la xiriira kaararka lagu qaato raashinka oo dhex maray labadooda.

Related Articles

News In English

Fikradaha