ATMIS oo ka baxday saldhigyo hore leh iyo tirada dalka ka baxday

|

Muqdisho(ONKOD) Bisha December ee sanadka 2024 ayaa loo asteeyay waqtiga ugu dambeeya ee ay Soomaaliya ka baxayaan guud ahaan ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika

Taliska Ciidamada ATMIS ayaa  hadda bilaabay Wajigii Labaad ee dhimista Ciidamada midowga Afrika ee ka baxaya Soomaaliya.

ATMIS ayaa maanta baneeyey Saldhigga Ciidanka Biyo Cadde ee gobolka Sh/dhexe kaasoo lagu wareejinayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa mas’uul ka ahaa saldhigaas ciidamada Difaaca Burundi.

Taliyaha ciidanta ATMIS ee xerada Biyo Cadde, Lt. Col. Philip Butoyi ayaa si rasmi ah saldhigga ugu wareejiyay Maj. Muxudiin Axmed oo ka tirsan saraakiisha ciidanka xoogga dalka.

Wajigii koowaad ee dhimista ayaa la soo afjaray bishii June, ATMIS waxay kala baxday 2000 oo askari waxayna ku wareejisay lix saldhig oo hore uga hawlgeli jirtay iyadoo la raacayo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2628 iyo 2670 (2022).

Si wada jir ah Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (DFS), ATMIS ayaa horay u soo gabagabeeyay qiimeyn farsamo oo lagu sameeyay wajigii koowaad, waxaana hadda qorshuhu yahay in 3000 oo askari oo dheeraad ah laga saaro dalka dabayaaqada bishan Septembar.

Ka bixitaanka 3000 oo askari oo ah wajiga labaad ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo dhamaadka bisha Sebtembar sida ku cad qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2687.

In muddo ahba waxaa su’aalo la iska weydiinayay goorta ay ciidamada Soomaaliya awood u yeelan doonaan in ay mas’uuliyadda amniga kala wareegaan ciidamada nabad ilaalinta ee ajaanibta ah.

Related Articles

News In English

Fikradaha