ATMIS oo war kasoo saartay dhacdadii kadhacday Albaabka hore ee Xalane

|

Muqdisho (ONKOD) – War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS , ayaa lagu faah faahiyay dhacdo maalintii Axada ka dhacday albaabka laga galo xarunta Xalane oo ah taliska ugu weyn ee ATMIS.

Sidoo kale, ATMIS ayaa qoraalka ay soo saareen ku sheegay in nin toorey watay uu damcay in uu xoog ku galo xarunta Xalane uuna diiday in la baaro, waxa ayna sheegeen muran dhax maray ninkaasi iyo askari ilaalo ahaa sababay in ninkaasi toorey si xun ugu dhaawaco askariga.

Dhanka kale, Warka kasoo baxay ATMIS ayaa lagu sheegay in ciidankii ku sugnaa albaabka laga galo xarunta Xalane durba tallaabo ka qaadeen ninkii tooreyda weerarka ku geestay kuna dileen isla goobtaasi.

Related Articles

News In English

Fikradaha