AUN Cabdullaahi Shirwac oo ku geeriyooday Muqdisho

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyooday AUN Cabdullaahi Maxamed Cali Shirwac, Guddoomiyihii hore ee Ururrada Bulshada Rayidka sida Onkod ay u xaqiijiyeen xubno katirsan Qoyska marxuumka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo ka tacsiyeeyey geerida AHUN Marxuum Cabdullahi Maxamed Shirwac oo xubin firfircoon ka ahaa dalladda Bulshada Rayidka ah ee Soomaaiyeed, waxa uu ku tilmaamay halyeey qaranka ka baxay.

Maxamed Xuseen Rooble, Wasiirka 1aad ee XFS ayaa sheegay in Marxuum Shirwac waqtiisa uu u huray u adeegidda Dadkiisa iyo Dalkiisa, waxa uu ku sifeeyay shaqsi ku suntan farista wanaagga iyo ka shaqeynta samafalka Bulshada rayidka.

“Alle waxaan samir iyo iimaan u weydiinayaa qoyskiisa iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay, isagana in uu Hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, waxa uu ahaa halyeey qaranka ka baxay oo ku suntanaa farista wanaagga iyo ka shaqeynta samafalka Bulshada” ayuu yiri RW Rooble.

Xildhibaanno, Wasiiro, Bulshada Rayidka, Madax xilal kala duwan Dalka kasoo qabatay iyo kuwa ka heysa ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid AHUN Cabdullaahi Maxamed Shirwac.

Diini Maxamed Diini, Guddoomiyihii hore ee Ururrada Bulshada Rayidka oo la hadlay Mustaqbal ayaa sheegay in AHUN Marxuum Shirwac uu ahaa astaanta Bulshada rayidka iyo tusaalaha hoggaamiyaasha ururradaas.

“AHUN Cabdullaahi Maxamed Shirwac, dambigiisa allaha dhaafo, jannatul-firdowsa allaha ku abaalmariyo, waxa uu ahaa aqoonyahan soomaaliyeed, samafale si gaar ah uga shaqeyn jiray islaaxa iyo nabadda, runtii waxa uu ahaa astaanta Bulshada Rayidka, ehelkiisa sabar iyo iimaan allaha ka siiyo” ayuu yiri Diini Maxamed Diini.

Waxa uu intaas ku daray Diini in Marxuum Shirwac uu door ka qaatay dib u heshiisiinta iyo nabadeynta Dalka, 30kii sano u dambeeyay ayuu tilmaamay in uu ka shaqeynayay howlahaas oo uu door wanaagsan oo muuqda uu ku lahaa.

“Kaalinta uu banneeyay AHUN Cabdullaahi Shirwac waa mid bannaanaan doonta, taariikhdiisa ma aha mid daqiiqado lagu soo koobi karo, waxa uu ahaa shaqsi kasoo qaybgalay dib u dhiska dalka waxaana uu ka qayb ahaa shirarkii dib u heshiisiinta, 30kii sano u dambeeyay kahor waxa uu ka shaqeynayay Akadeemiyada oo waxa uu ahaa nin Aqoonyahan ah” Sidaasi waxaa yiri Diini Maxamed Diini.

Related Articles

News In English

Fikradaha