Axmed Madoobe Muxuu ku dhaliilay howlgalada ka socda Galgaduud ?

|

Dhuusmareeb (ONKOD ) Deegaano badan oo ka mid ah gobolka galgaduud waxaa ka soconaya howlgalo ujeedkoodu uu yahay  in lagu jabiyo kooxda Al- Shabaab.

Howlgalkan oo ah wajiga labaad ee dhacaya  Galmudug iyo Hiiraan waxaa u tagay sidii uu la dar dar galin lahaa Dhuusmareeb Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Hada waxaa soo baxaya in dhaliilo laga keenayo sida ay u bilowdeen iyo sida uu socdo , maadama uu ka jiro mugdi .

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo Dhuusamareeb kaga qayb galay shirka golaha wadatashiga qaran ayaa dhaliilay isla markaana gaabis ku tilmaamay sida dagaalka ka dhanka ah Al -shabaab uu uga socdo Soomaaliya gaarahaan deegaannada Galmudug.

Wuxuu sheegay in sida looga hadlayo dagaalka iyo ficilku aanu isku dhigmin marka la eego sida wax u socdaan. Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in aanu fileyn in dagaalka Al-shababa ee ka socda Galmudug uu qaadanayo muddada uu hadda socdo.

Hadalkaan ayaa imaanaya xilli madaxweynaha Soomaaliya uu maalmo badan ku suganyahay Dhuusamareeb, isagoo halkaa u tagay dhameystirka wajigii koowaad ee dagaalka Shabaab iyo dardar galinta wajiga labaad.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha