Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo

|

Muqdisho (Onkod Radio ) – Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo kadib Markii uu Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka kaga soo qeybgalay doorashada Madaxweynaha JFS.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, xubno katirsan golaha wasiirada iyo aqalka Baarlamaanka iyo dadweyne kala duwan.

Axmed Islaam, ayaa muddo joogay Magaalada Muqdisho, asagoona u joogay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Related Articles

News In English

Fikradaha