Axmed Madoobe oo maamul dib joog ah u magacaabay GEDO

|

Kismaayo (ONKOD ) Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], ayaa hogaan cusub waxa uu u magacaabay maamulka gobolka Gedo, sidda uu shaaciyey xafiiskiisa.

Sidda ku xusan wareegtadda, Cabdullahi Cabdi Jaamac ayaa loo xushay Gudoomiyaha Gobolka Gedo, halka Cusmaan Nuux Xaaji ( Macalimu) mar kale loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda.

Gobolka Gedo ayaa horay u ahaa maamul aanu hoos-tagin Maamulka Axmed Madoobe, iyadoo intii uu xukunka joogay Madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo ay Gedo aheyd mid toos uga madax banaaneyd Kismaayo, halka talada iyo maamulkeeda toos uga imaanayay Muqdisho iyo Taliskii hore NISA.

Waxaa weli intiisa badan gobolka gacanta ku haya ciidamo diidan Axmed Madoobe oo qaarkood ay ka tirsan yihiin ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya balse uu halkaas geeyey madaxweyne Farmaajo.

Lama oga sida xubnaha cusub ee uu magacaabay Axmed Madoobe uga shaqeyn karaan Gobolka Gedo, maadaama siyaasiyiinta gobolka ay si weyn u diidan yihiin Axmed Madoobe, waxaana dhowaan Muqdisho loo diiday inay ka soo kacdo diyaarad sidday Mas’uuliyiin la magacaabay oo ku wajahnaa Doolow, taasoo dhalisay is mari waa maalmo hakad u galay duulimaadyadii Gobolka Gedo.

Related Articles

News In English

Fikradaha