BANAANBAXYO , ruxay waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda

|

Muqdisho (ONKOD ) Waddooyin muhiim ah oo magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay dibadbaxyo waawayn oo lagu diiday xariga Generaal Sheegow oo ka mid ahaa ciidanka xoogga dalka. Inta banaanbaxyada ay socdeen waxa la xiray waddooyin badan oo magaalada Muqdisho waxaana dibaxyaasha rasaas ku kala eryay ciidanka Dowlada kuwaas oo diidanaa banaanaxa. Waxa sidoo kale dadka dibaxda dhigayay ku qaylinayeen ,hala soo daayo , sheegow iyo eryo kale kuwaas oo diidan xariga Generaalka oo ay sheegeen inuu yahay hayb sooc. Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana dhanka kale dadaallo wada ciidamada ammaanka ee dowladda, kuwaas oo isku dayaya inay xakameeyaan dibadbaxayaasha. Arrintaan ayaa daba socoto xarigga Jeneraal Sheegow oo loo haysto eedeymo culus, kaas oo shalay lagu soo qabtay dagaal culus oo ka dhacay xaafadda Kaawo Godey ee degmada Dharkenley.

Related Articles

News In English

Fikradaha