Bandhig aan horay loo arag oo laga sameeyay taariikhda Rasuulka

|

Sucudiga (Onkod Radio) – Madxafka Sacuudiga ayaa isticmaalaya muuqaallo laga sameeyay farshaxameyn casri ah oo lagu sawirayo dhacdo muhiim ah oo ka mid ah noloshii Nebi Maxamed (NNKH) oo horseedday aasaaska bulshada Muslimiinta.

Bandhigga waxaa lagu doonayaa in lagu tusaaleeyo dibna loogu soo nooleeyo taariikhda Hijriyada ee jirsatay in ka badan 1,400 oo sano oo ka soo billaabatay maalintii uu Rasuulka uu ka haajiray magaalada Makah una haajiray Madiina kaddib markii loogu hanjabay in la dilayo.

Safarkaasi Hijrada oo 400 km ahaa ayaa qaatay 8 maalin.

Bandhiggaasi muuqaalladaasi taariikhda Hijriyada laga sameeyey ayaa toddobaadkan shacabka loo furay, iyada oo bandhiggan uu 9 bilood ka soconayo bandhigga Ithra oo ku yaalla magaalada Bariga dalkaasi ku taalla ee Dhahran ka hor inta aan gobollada kale iyo dibaddaba loo sii gudbin.

Caalimka reer Sacuudi Cabdullaahi Xuseen Alkadi wuxuu sheegay taariikhda Hijriyada iney Muslimiinta si qoto dheer u yaqaannaann, wallow aan weligeed sidan oo kale loo soo bandhigin.

“Waxa ay ka kooban tahay wax kasta oo laga soo billaabo farshaxanno qarniyo jiray iyo muuqaallada casriga ah ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn,” ayuu yiri Alkadi, oo tobannaan sano ku qaatay daraasadda taariikhda Hijriyada, bandhiggana aasaaska u ahayd.

“Dadka caadiga ah ee Sacuudiga u dhashay taariikhda Hijriyada Rasuulka (NNKH) wey yaqaanniin, balse si waafi ah dugsiyada waxbarashada loogama dhigo,” ayuu yiri Alkadi.

 

Qaabka cusub oo haatan loo soo bandhigayo taariikhda Hijriyada waxay sidoo kale indhaha u fureysaa dadka aan Muslimiinta ahayn oo taariikhdaasi waxba ka aqoon laftooda, si ay cashar uga bartaan dadka soo galootiga iyo sida loola dhaqmo iwm,” ayuu ku daray Alkadi.

“Waa in aad dulqaad yeelato. Haddii aadan u dulqaadan karin noocyada kala duwan ee dadka iyada oo aan loo eegin diintooda, qabiilkooda iyo iyada oo aan loo eegin jinsigooda iwm nolol nabad leh kuma noolaan kartid,” ayuu yiri.

Bandhiggan oo muddo seddex sano ah laga soo shaqeynayey waxaa ka qayb qaatay aqoonyahanno iyo farshaxanistayaal ka kala socdo 20 dal.

Filimaan gaagaaban oo uu sameeyay soo saare Mareykan ah oo lagu magacaabo Ovidio Salazar ayaa muujinaya sida odayaasha reer Qureysh ay u qorsheeyeen in ay dilaan Nebi Muxamed NNKH, taas oo keentay in uu magaalada Maka ka baxsado iyo kulankii uu la yeeshay Suraaqah oo loo ballan qaaday 100 neef oo geel ah si uu nabiga nolol ama geeri ugu keeno.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha