Barnaamijka “Hoyga Maansada Soomaaliyeed” oo daahfuray Tartanka Gabayada & Keydka Maansooyinka Soomaaliyeed

|

25 Agoosto 2021: Waxaa maanta la daahfuray barnaamij lagu horumarinaayo dhaqanka & suugaanta oo la magac baxay “Hoyga Maansada Soomaaliyeed. Hoyga Maansada wuxuu isku keenayaa abwaanada iyo dadka gabayada xiiseeya si loo horumariyo maansada Soomaalida iyo in loo ololeeyo nabadda iyo xuquuqda aadanaha.

Hoyga Maansada (https://www.hoygamaansada.com) oo taageero ka heleya Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Horumarinta (UNDP), wuxuu keydiyaa gabayadii hore iyo kuwa cusub oo ay curiyeen abwaanada jiilka cusub, iyo sidoo kale waxaa lagu daabacayaa wararka, sheekooyinka, wareysiyada la xiriira suugaanta iyo macluumaad laga baran karo sida loo gabyo.

Laga billaabo sanadkan, Hoyga Maansada wuxuu qaban doonaa tartanka gabayada oo sanadle ah. Tartanka waxaa ku soo bixi doona abwaannada ugu wanaagsan sanadka. Tartanka wuxuu noqonayaa seddex qeyb oo kala ah: Gabyaaga ugu wanaagsan Sanadka, Gabadha ugu Wanaagsan Gabdhaha gabya (oo ay taageereyso hay’adda UNDP) iyo Abwaanka Da’ada yar ee Sanadka. Tartanka wuxuu furmayaa 21-ka Sebteembar, waxaana looga soo qeybgalayaa webseedka Hoyga Maansada. Sanadkan waxaa Garsoorayaal ka noqonaya Abwaanno magac & maamuus ku leh bulshada Soomaalida, waxayna kala yihiin, Abwaan Axmed Faarax Cali (Idaajaa), Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure, Abwaan Maxamuud Xaaji Maxamed (Tarash), Abwaan Caasha Maxamuud Yuusuf (Caasha-luul) iyo Abwaan Xaawa Jaamac Cabdi.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan arko barnaamijka Hoyga Maansada Soomaaliyeed iyo in aan ka mid ahay Garsoorayaasha Tartanka Gabayada sanadlaha,” ayuu yiri  Abwaan Idaajaa. “Maanasada Soomaalida waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu waaweyn ee aan dunida ku soo kordhin karno marka qof walba waxaan ku dhiiragalinayaa in uu taageero Hoyga Maansada Soomaalida iyo in uu ka qeybgalo tartanka.”

Barnaamijka Hoyga Maansada wuxuu kaloo qaban doonaa munasabado gaar ah oo si mideysan bulshada Soomaalida ugu horumarineyso dhaqankeeda iyo in loogu ololeeyo nabadda iyo xuquuqda aadanaha. Sidoo kale waxaa la keydinayaa gabayo cusub, waxaana la qabanayaa xaflado iyo aqoon is-weydaarsi dhanka dhaqanka ah.

“Maansada Soomaalida waxay ka mid tahay kuwa ugu wanaagsan dunida. Waxay mudantahay in loo sameeyo hoy u qalma iyo madal lagu faano, laguna horumariyo,” ayuu yiri Aar Maanta, oo taageere-sare u ah Hoyga Maansada Soomaaliyeed “Waxaan ku dhiiragalinayaa qof walba oo jecel gabayada in uu soo booqdo Hoyga Maansada, kana qeyb qaato horumarinta dhaqanka & suugaanta.”

“Hay’adda UNDP waxay ku faraxsantahay in ay taageerto Hoyga Maansada Soomaliyeed oo hadda ku soo biiray saaxada horumarinta dhaqanka,” ayuu yiri Madaxa Haya’adda UNDP, Jocelyn Mason. “Gabaygu, Soomaalida oo dhan ayuu mideeyaa, luuqadda ay dadku wadaagaan iyo suugaanta waa shey muhiim ah oo nabadda looga shaqeyn karo.”

Wixii faafaahin dheeri ah, fadlan nagala soo xiriir Hoygamaansada@gmail.com / +252 61 928 8867 ama baraheena bulshada ee hoos ku xusan;

Twitter: @hoygamaansada

Facebook: @hoygamaansada

Instagram: @hoygamaansada

YouTube: https://tinyurl.com/yxfrcnsk

Hoyga Maansada Soomaaliyeed waa barnaamij lagu keydiyo laguna horumariyo gabayada Soomaalida. Waxaa la daahfuray bisha sebteembar 2021, https://www.hoygamaansada.com/

Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Horumarinta (UNDP) waxay ka shaqeysaa 170 waddan si ay u crib-tirto saboolnimada iyo sinnaan la’aanta. Waxyaabaha aan dalalka ka caawinno waxaa ka mid ah diyaarinta qorshaha, xirfadaha hoggaminta, sameynta xiriirka caalamiga, dhismaha hay’addaha dowliga ah iyo adkeysigooda si loo gaaro yoolasha horumar waara. Shaqadeennu waxay u badantahay seddex qeyb oo kala ah; gaaritaanka horumar waara, maamul wanaaga iyo nabadeynta, iyo sidoo kale xal-u-helidda isbedelka cimilada. www.so.undp.org

Related Articles

News In English

Fikradaha