Garoowe (ONKOD) Inta la xaqiijiyay laba askari oo katirsan ciidanka Booliiska Puntland ayaa dhintay kaddib iska hor imaad xalay dhexmaray koox dabley ah iyo ciidamada saldhiga Garoowe.
Taliye ku xigeenka booliska Nugaal ayaa sheegay in dagaalka uu dhexeeyay ciidamada amniga iyo koox hubeysan oo tegtay saldhigga Israac , kaas oo qaatay wax ka badan saacad.
Wuxuu sheegay nin marka hore dhacdada ay ka bilaabatay shil gaari oo ay geysteen kooxda hubeysan, kadibna ay isku dayeen inay khalkhal-geliyaan saldhigga.
Taliye ku xigeenka qaybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa sidoo kale ku eedeeyay ragga ka tirsan ciidanka Jimcaale in ay mas’uul ka yihiin wixii ka dhacay saldhiga Israac kadib markii sida uu sheegay ay isticmaaleen maandooriyaha Khamriga.
Waxa uu sheegay in kooxda ay saldhiga geeyeen qof shacab ah oo ay gaarigiisa ku dhifteen gaari kale jir dilna u geysteen islamarkaana Booliska ka dalbadadeen in loo xiro qofkaas kadibna is-faham-waagu sidaas ku dhacay.
Magaalada Garowe ayaa dhibbane u noqotay cabtooy hubaysan, kuwaas habeenkii magaalada ka geysta falal amni darro oo isugu jira dil iyo dhac.