Booliska Gobolka Banaadir ayaa kusoo qabtay Maandooriye kala duwan howl-gal ay ka sameeyeen Degmada Dharkeynley

|

Muqdisho (Onkod Radio) Ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir ayaa howlgallo ay ka sameeyeen Degmada Dharkeynley, Magaalada Muqdisho, waxa ay kusoo qabteen walxaha maanka-dooriya, iyo Dad ka ganacsada & Dhallinyarada dhibaatada ka geysta Degmadaas ee loo yaqaan (Ciyaal weerarada).

Taliye ku xigeenka Booliiska Degmada Dharkeynley Kabtan Cabdifitaax Malaaq, oo kulan la qaatay Odoyaasha dhaqanka ayaa kala hadlay sidii Owlaaddooda gacan adag ugu qaban lahaayeen si looga hortago halista ka dhalan karta beegsiga dhexdooda.

Taliyaha Booliiska qaybta Galbeed Gaashaanle Dhexe Yaasiin Nuur Kheyre (Yaasiin Ganey) ayaa sheegay in howlgalkaan lagu soo qabtay walxaha maanka-dooriya sida Khamri, Xashiish, Kaniini iyo walxo kale.

“Howlgal labo Waji leh ayaan ka sameynay Degmada Dharkeynley, wajiga 1aad, waxa aan kula kulannay Odoyaal ka cabanaya tuuryada & dhibka ay ku hayaan dhallinyarada oo maalmahaan caaddeystay in ay fowdo ka sameeyaan qaybta Galbeed, wajiga 2aad, waxa aan kusoo qabannay walxaha maanka dooriya, oo ah, calaq, Kaniiniyaal ay isticmaalaan dhallinyarada ee Magaalada kusoo batay” ayuu yiri Taliye Yaasiin Ganey.

Ciidamada Ammaanka DFS ayaa howlgallo ka wada Degmooyinka Gobolka Banaadir, kaddib markii Duqa Muqdisho uu sheegay in ay kordheen walxaha Maanka-dooriya oo Dhallinyarada Caasimadda isticmaalkoodu ku batay.

Dhallinyada da’da yar ayaa bilihii danbe aad loou cawanayay ayagoo geeysanayay gabood fallo aad u fool xun sida Dil iyo dhac dhaawacyo, qaar ee ay jiifaan Isbitaallada Muqdisho qaarna ay u geeriyoodeen.

Related Articles

News In English

Fikradaha