Booliska oo shaaciyay lacagta ku jirtay akoonada Atooraha Badda Liido

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliya, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa soo bandhigay tirada lacagta ku jirtay Akoonnada Sarkaalkii ka tirsanaa Ciidamada Booliska ee Cismaan Salaad Daahir, oo ku magac dheeraa “Atooraha Badda Liido”.

Afhayeenka ayaa sheegay in labo Akoon oo ay baaris ku sameeyen ay ku ogaadeen in midkood ay ku jirto lacag dhan 50 kun oo dollar $50,000, halka mid kale ay ku jirtay lacag gaareyso $3,300 dollar.

Akoonka koowaad oo ah, midka ay ku jirto lacagta 50 kun dollar ayaa waxaa furay ninka dilka geystay oo uu hore Afhayeenka Booliska u sheegay in uu Atooraha Badda isku qabsadeen lacagtaas, taasi oo markii dambe sababtay in uu murankaas ku baxo Atooraha, oo ahaa saaxiibkii.

Ninkaan oo lagu magacaabo Shuceyb Leeleefow ayaa waxa uu hadda ku jira gacanta Booliska.

Waxaa weli aan la baarin akoonada eDahab-ka iyo shirkadda Taaj, inta uu Booliska Soomaaliya gacanta ku haayo telefoonnada lacag ayaa kusoo dhaceysa, 150 dollar shalay ayay soo dhacday,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Soomaaliya.

“Waxaa u xaqiijinaya bulshada Soomaaliyeed, inay ku kalsoonadaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed, oo aqoontana waa leenahay. Haddii aan dhaqaale ahaan ka liidano dalalka caalamka, aqoon ahaan waa la simanahay oo maalin baa gaadhi doona meel walba kaamirooyin ku xiran tahay oo wax walba la cadeyn doono.”

Sidoo kale wiil la dhashay Atooraha Badda AUN ayaa asaguna goobta ka caddeeyay inay ku qanceen, lana tusay akoonada lacagaha ay ku jiraan, maadama markii hore ay shaki badan ka qabeen in Atooraha Badda uu ku baxay muran lacageed.

“Xooga is-faham la’aan aniga iyo afhayeenka Booliska na dhex-martay ayaa kadib waxaa tagnay xarunta Booliska, waxay ituseen akoonnada uu wiilka lahaa lacago ku jiray iyo lacago kale oo dad boosas ugu gadayo oo kamaamka oo dadka meesha ugu tala-galay inuu wax ka siiyo.”

Afhayeenka Booliska ayaa hore u shaaciyay maalmo ka hor in Atooraha Badda iyo Saaxiibkiis Leeleefow uu soo kala dhex-galay muran lacageed oo gaaraya $60 kun, kaasi oo markii dambe uu ku baxay AUN Atooraha Badda Liido.

Allaha unaxariiste Marxuumka ayaa waxaa uu ka mid ahaa ciidanka booliska Soomaaliyeed, wuxuuna ahaa darajadiisa Isbatoore, wuxuuna ku howlanaa inuu ciida ka farxiyo carruur agoon ah, iyo kuwa aan waxba haysan oo uu ciidsiiyo oo uuna afurin jiray.

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha