Boosaaso: Maydka 2 Carruur oo laga helay xeebta

|

Boosaaso (Onkod Radio) — Warar aynu ka helayno magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in xeebta magaalada laga helay maydadka laba ruux oo carruur ah oo da’adooda lagu kala sheegay 11 jir & 12 jir ayaa laga helay xeebta Magaaladaasi.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in Carruurtan oo ay baddu qaaday shalay ayaa maanta-na soo tuftay sida ay xaqiijiyeen.

Ehellada carruurta ayaa sheegay in keliya ay ka war heleen markii lagu soo wargaliyay maydadka carruurtooda ka horna baadi goob ugu jireen raq iyo ruux labaduba

Carruurta ku geeriyootay badda ayaa Magacyadooda lagu kala sheegay Axmed Cabdi kariin & Sakariye, ehellada carruurtan ayaa buux dhaafiyay Isbitaalka oo la dhigay meydadka.

Maamulka degmada Boosaaso ayaa ka digaya dhibaatada xeebaha uga imaan karta carruurta ka yar da’da qaan- gaarinimada.

Dhacdadaan ayaa ku soo beegmeysa xilliyada ay dabaylaha xagaagu dhacayaan waxaana horey xeebaha badda cas ugu degay doonyo ganacsi oo u soo socday Boosaaso.

Related Articles

News In English

Fikradaha