BOOSAASO : Waddooyin muhiim ah oo ay xireen ciidanka gadoodsan.

|

Boosaaso (ONKOD) Wararka laga helayo magaalada Bosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaas ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay , mushaar la’aan soo wajahday ciidanka maamulka.

Ciidanka ayaa kala xirtay  waddooyinka  muhiim ah oo ku taala magaalada Boosaaso kuwaas oo diiday isu socodka.

Saraakiil ka tirsan maamulka ayaa sheegay in xooga ay saari doonaan wax ka qbaashada dhibaatada ka dhalatay , mushaar la’aanta ay ka cabanayaan ciidanka maamulka Puntland.

Dadka ku nool magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in xiisadan ciidanka ay sameeyeen saamayn uu ku yeeshay isu socodka iyo ganacsiga magaalada oo meelaha qaar la xiray.

Ciidan ka gadoodsan , mushaar la’aan ayaa marar badan sidan oo kale waxa ay kala xirteen waddooyin muhiim ah oo ku taala magaalada Boosaaso.

Hubiti la’aanta ka dhalatay arrimaha doorashooyinka ayaa keenay in mushaarka ay waayaan ciidanka amniga magaalooyin ka mid ah maamulka Puntland.

Goor sii horeysay madaxda maamulka Puntland ayaa sheegay in xal rasmi ah laga gaari doono sidii si joogta ah ay u heli lahaayeen ciidanka mushaarka ay xaqa  u leeyihiin.

Related Articles

News In English

Fikradaha