Buula-burde oo ay isugu darsameen Abaaro daran iyo go’doominta Al-shabaab

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, abaarta ka jirta Soomaaliya waxaa la diiwaan-geliyay in ay ku barakaceen in ka badan 800,000 oo qof, kuwaas oo u badnaa bulshada xoola dhaqatada ah iyo kuwa beeraleyda ah. Arrintan ayaa uga sii dartay bulshada nugul oo markii hore la tiicayey xaalado amni xumo iyo mid bini-aadanimo.

Iyada oo ay magaalooyinka qaar ay ku jiraan xaalad go’doomin ah, ayaa haatan waxaa ugu sii darsamay qulqulka barakacayaasha ka soo cararaya abaaraha daran ee ka jira dhulkii ay deganaayeen, kuwaas oo raadinaya meelo ay ku badbaadaan.

Magaalada Buula-berde waxa go’doomiyey sagaalkii sano ee ugu dambeeyey ururka Al-shabaab, waana meelaha ugu daran ee haatan ay abaaruhu u saameeyeen sida ugu adag. Magaalada oo markii horeba la tiicaysay qiimaha sarreeya ee raashinka, ayaa haatan waxaa ugu darsamay inay magaaladu martigelinayso barakacayaal tiro badan.

Weriyaha VOA Cabdicasiis Barrow oo dhowaan booqday magaalada Buula-berde ayaa waxa uu waraystay guddoomiyaha degmada Axmed Mahad Nuur, isaga oo ugu horrayn weydiiyey xaaladda nolosha iyo saamaynta ay ku yeelatay go’doominta ururka Alshabaab?

VOA

Related Articles

News In English

Fikradaha