Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Iyo Sanataro kale ayaa si rasmi u qaatay shahaadada Xildhibaanimo

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Federaal ee FEIT, ayaa maanta Shahaadada rasmiga ah, siiyay Xildhibaanno iyo Senataro katirsan BFS ee 11aad oo maalintii 8aad xubnahaan guddoomiyaha aqoonsiyadooda.

1-Xildhibaan Cabdisamad Macalim Maxamuud, oo ku fadhiya HOP#139 ayaa maanta qaatay shahaadada rasmiga ah ee xubinnimada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS.

2-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ku fadhiya HOP#138 ayaa maanta Guddiga Doorashooyinka FEIT ka qaatay shahaadada rasmiga ah.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban heer Federaal ee FEIT ayaa 7dii cisho lasoo dhaafay oo uu waday shahaado siinta Xildhibaannada iyo Senatarada Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka ku diiwaangeliyay 193 Mudane.

Xildhibaannada iyo Senatarada Shahaadada rasmiga ah la siiyay ayaa kala metalaya Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed, Galmudug, Puntland, Hir-Shabeelle, Jubbaland, Gobollada Waqooyi-Somaliland & Banaadiriga.

DG Hir-Shabeelle iyo Jubbaland waxaa ku harsan kuraas kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya, 14ka April 2022 oo Khamiista ku beegan waxa uu qorshuhu yahay in la dhaariyo Labada Gole ee BFS.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha