Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si xirfadaysan u bandhigay xalka Somaliland

|

Muqdisho (ONKOD ) Waxaan xanuunka iyo murugada la qaybsanayaa maamulka, shacabka iyo gaar ahaan ehellada ay dadkoodu ku dhinteen iska hor imaadka shalay ka dhacay Somaliland.

Damac, qab iyo quursi is huwan waxaa inta badan siyaasiga duufsada, kana indha saaba talada toosan.

Waxaa hubanti ah haddii geesawaynta siyaasadda (Political Elite النخبة السياسية) heshiin waayaan, jirina awood kale oo gacmaha qaban karta; sida ciidan ama bulsho rayad oo xoog leh, natiijadu waxay noqotaa in bulshadu u laabato xaaladdii dabiiciga ahayd ee dawladnimada ka horaysay ee qof iyo qabiilkii ahayd.

Waxaase taa looga baaqsan karaa madaxweyne Biixi oo ka tanaasula damaca xukun kororsi, lana xaajoodo siyaasiyiinta ay is hayaan, si la iskula meel dhigo xukun kala guur iyo doorasho nabdoon.

Maanta oo kale awoodda tawaaduca (power of humility) ayaa wax tar leh, waxayna taagan tahay halkii uu Abwaan Hadraawi (AUN) ka lahaa

“Hadalkana ku daa iri

Nin dab liqay Rashiidow

Dhuxul buu ka daacaa

Ma darmaanta booddee

Didday baan u jeedaa?

Ma daliilka muuqdiyo

Dhamac hoos ka darartoo

Is dallaallimaysiyo

Danbas baan aqaannaa?

Halka Deyr wakhtigu dhigo

Dib baa looga sheekayn

Kaddaraa u magac bixin!”

Abwaan Hadraawi (AUN)

 

Related Articles

News In English

Fikradaha