Cali Balcad ‘’ Soomaaliya dhawaan waa laga qaadayaa cunaqabataynta hubka ‘’

|

Washington (ONKOD ) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaalo ay ku doonayso ,  ayaa xod xodasho  ugu jirta sidii loogu qaadi lahaa cuna qabataynta hubka ee saraan in ka badan soddon sanno.

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda ayaa ku sugan dalka Mareynkanka kuwaas oo doonaya in Soomaaliya laga gacan siiyo in laga qaado cunaqabaynta si ay ugu guulaysto in la jabiyo kooxda Al- Shabaab.

Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku sugan magaaladaas ayaa sheegay  in haatan shirar ay ka wadaan dalka Mareykanka, isla-markaan looga hadlayo sidii cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya looga qaadi lahaa.

Cali Cumar Cali (Balcad) ayaa sheegay in aysan ka baaqsan doonin dadaal kasta oo Soomaaliya cuna qabataynta loogu qaadi kara isla markaana ay socdaan dadaalo lagu dhisayo ciidan Soomaaliyeed.

Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay u baahan tahay fursad ay hub kusoo iibsan karto, taasina ay ku xiran tahay in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran.

Related Articles

News In English

Fikradaha