Cali Jeyte oo sheegay in dagaalkii ka dhacay Hiiraan ay ku dileen Ajaanib badan

|

Cali Jeyte Cisman oo u qaabilsan  madaxweynaha Soomaaliya, arrimaha ciidamada difaaca  deegaanka,  ayaa ka warbixiyay dagaalkii dhowaan ka dhacay qeybo kamid ah gobolka Hiiraan.

Cali Jeyte ayaa guulo weyn ka sheegtay dagaalka culus ee  labadii maalin ee lasoo dhaafay ka dhacay deegaanada kala ah Beera yabaal, Jiciboow iyo Ceel la helay, oo hoostaga degmooyinka Halgan iyo Buula- burde ee gobolka Hiraan.

U qeybsanaha xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh, arrimaha ciidamada deegaanka ee Macawisley,  ayaa carabka ku dhuftay in dagaalkii shalay ay ku dileen Ajaanib  iyo maleeshiyaad katirsanaa kooxda A-shabaab, waxa uuna tilmaamay in ay qabsadeen deegaano ku yaala Jiinka Wabiga Shabeele.

“Ajaanib ay ku jiraan horjoogayaal sare ayaan ku dilnay howlgalkii aan qaadnay, meydadkooda ayaana daadsan dhulka. Dadka shacabka ah waxaan leenahay musiibo hadey timaado waa lais kaashadaa, ee inta ay Khawaarij dalka joogaan nabad lama helayo.” Ayuu yiri Cali Jeyte.

Sidoo kale Cali Jeyte ayaa wacad ku maray in Al-shabaab ay dhankooda dhadhamin doonaan dhibka ay u geysteen shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba ka galabsan.

Sikastaba, hadalkan ka soo yeeray Ergayga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha ciidamada Macawisleey, ayaa imaanaya xili labadii maalin ee lasoo dhaafay ay dagaalo qaraar ay ka dhaceen deegaano u dhaxeeya magaalooyinka Halgan iyo Buula-burde kuwaasi oo khasaaro kala duwan lagu gaarsiiyay dagaalyahanada kooxda Al-shabaab.

Related Articles

News In English

Fikradaha