Cali Xarbi, Xildhibaanka aan dilay ee David Amess, waxa uu dhibaato ku ahaa Muslimiinta

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Nin asal ahaan Soomaali ah, oo loo haysto dilka xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka UK, Sir David Amess, ayaa ka hadlay waxa ku dhaliyay falkaas.

Cali Xarbi Cali, oo 26 jir ah, ayaa sheegay inuu u dilay xildhibaanka sababo la xiriira inuu u codeeyay duqeynta Suuriya.

Sir David Amess, oo laga soo doortay deegaanka Southend West, ayaa toori lagu dilay 15-kii October 2021.

“Haddii ay ii muuqatay in falkaas uu khalad yahay, ma ba samayn lahayn,” ayuu yiri Cali oo beeniyay in falkaas uu ahaa argagixisannimo.

“Isaga iyo xildhibaanno kale ayaa u codeeyay xeer baarlamaan oo lagu dhibaateeyay Suuriya. Haddii aan ka hijroon waayay dhulkan, waxaan go’aansaday in aan si kale ugu gargaaro Muslimiinta,” ayuu ka hor sheegay xeer beegti kiiskiisa dhagaysanayso.

Mar la weydiiyay waxa dilka xildhibaanka ay xaaladda ka bedali karto, ayaa Cali waxa uu ku jawaabay “hadda ma uu coddeyn karoo o codkiisa kuma dhibi karo Muslimiinta, waana farriinta aan u dirayo saaxiibbadii.”

Eedeysanaha ayaa tilmaamay in arrinta kale ee uu u beegsaday xildhibaanka ay tahay xubinnimadiisa saaxiibbada Israa’iil ee xisbiga Conservative-ga.

Mar la weydiiyay inuu yahay Muslim xagjir ah, ayaa waxa uu ku jawaabay “waxaan ahay Muslim qunyar socod ah”.

Cali Xarbi ayaa maxkamadda u sheegay inuu rajeynayay in la dilo oo uu “noqdo shahiid” balse markii uu arkay in labada askari ee soo galay goobta uu xildhibaanka ku dilay aanay hubaysnayn, uu markaas go’aansaday inuu iska dhigo tooridda.

Maxkamadda ayaa horraan u dhegaysatay in eedaysane Cali uu qorsheynayay inuu beegsado wasiirka dowladaha hoose ee UK, Michael Gove.

“Waxaan rumaysanahay inuu [Michael Gove] dhibaato badan u geystay Muslimiinta,” ayuu Cali u sheegay xeer beegtida.

Waxa uu aad u doonayay inuu ku biiro ururka isku magacaabay dowladda Islaamka, oo uu rabay inuu Suuriya u safro mudadii u dhexaysay 2015 iyo 2017, balse ay taa ku adkaatay.
Waxa uu garnaqsigiisa ku soo afjaray inuu filayo in dilka xildhibaan Sir David ay cashar u noqon doonto xildhibaannada kale, isla markaana “ay joojin doonaan colaadda ka dhanka ah Muslimiinta”.

Sir David, oo 69 jir ahaa, oo baarlamaankana ku matalayay deegaan baarlamaaneedka Southend West, ayaa kulan la lahaa dadka soo doortay, isagoo kala hadlayay waxyaabaha ay u baahan yihiin.

Waa xildhibaankii labaad ee isagoo baarlamaanka ka tirsan la dilo shantii sano ee lasoo dhaafay gudahood. Sannadkii 2016-kii ayaa la dilay Jo Cpx oo ahayd xildhibaanad ka tirsan xisbiga shaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Boris Johnson ayaa xildhibaanka la dilay ku tilmaamay in uu ka mid ahaa dadka “ugu naxariista badan, ugu wanaagsan, uguna macquulsan dhinaca siyaasadda”.

Xuquuqda Daabacaadda BBC Somali

Related Articles

News In English

Active participation of women and young people in peacebuilding is key to forging social cohesion in Lower Shabelle

Mogadishu (Onkod Radio) – 28 June 2022, Community members, including women and youth groups, met in Marka for the “Promoting Inclusive Action in Peacebuilding”...

Two TV journalists injured in a bomb explosion in central Somalia

Mogadishu (Onkod Radio) –  Somalia 27 June, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) condemn the bomb attack that has injured two...

Somalia faces climate emergency and famine as fourth rainy season fails

Mogadishu (Onkod Radio) – An unprecedented fourth failed rainy season with catastrophic hunger, disease and displacement has forced Somalia into a climate crisis, the...

SMSJ: Attacks against Somali journalists and media and impunity for these crimes must end

Mogadishu (Onkod Radio) – Somalia 24 June, 2022 – The Somali Mechanism for the Safety of Journalists (SMSJ), a network coalition of seven journalists’ unions and...

Sheikh Shakhbout bin Nahyan receives Somalia’s president at Abu Dhabi airport

Mogadishu (Onkod Radio) – Sheikh Shakhbout bin Nahyan, Minister of State, on Sunday received Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud at the Abu Dhabi Presidential...

Fikradaha

Dalkeena wuxuu u baahan yahay Ciidan Qaran oo Badbaadiya!

Tani waa farriin ka socota muwaadin Soomaaliyeed oo ay danqeyso xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli uu dalkeena baahi aad...