Carruur badan oo nafaqo darro ugu dhimatay Kismaayo

|

Kismaayo (Onkod Radio) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbadda Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in illaa Tobannaan Carruur ah saacadihii la soo dhaafay xaalad nafaqa darro ay ugu geeriyootay isbitaalka Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Carruurtaan ayaa waxaa laga kala keenay qaar kamid ah degaannada iyo degmooyinka Gobolada Jubbooyinka, gaar ahaan degaannada ay maamulaan Al-Shabaab, waxana saameyn weyn ku yeeshay xaaladda abaareed ee kajirta degaannada Jubbaland.

Faysal Aadan Ibraahim, Madaxa qaybta Nafaqo-darrada ee Isbitaalka Kismaayo ayaa sheegay in ku dhawaad 400 oo ruux oo ah qoysaska saameynta taban ku reebtay Abaarta lagu daweynayo Isbitaalka Magaalada Kismaayo kaddib xannuuno ay ka qaadeen cunno la’aanta & Biyo yarida jirta.

“Qoysaska ugu badan ee carruurta nafaqo-darrada u geeriyootay iyo kuwa gacanta lagu hayo waxa ay kasoo barakaceen Gobolka Jubada Dhexe, ku dhawaad 30 carruur ayaa u geeriyootay nafaqo-darro ka dhalatay Abaarta gaar ahaan cunno iyo biyo la’aanta ka jirta deegaannadii ay ku noolaayeen” ayuu yiri Faysal Aadan Ibraahim, Madaxa Qaybta Nafaqo-darrada ee Isbitaalka Kismaayo.

Rajo wanaagsan ayuu Faysal Aadan ka muujiyay in bukaannada jiifa Isbitaalka Kismaayo ay u helaan daryeel wanaagsan si jirkooda uu uga soo kabto saameynta taban ay ku reebeen xannuunnada ka dhashay abaarta.

Qaramada Midoobay ayaa warbixin ay soosaartay waxa ay ku sheegtay in 2.5 Milyan oo carruur oo Soomaali ah ay halis u yihiin in ay u geeriyoodaan Macluusha ka dhalatay Abaarta ka jirta Dalka, Sanduuqa Taakulada Carruurta ee UNICEF ayaa dhaqaale u dalbay si wax looga qabto halista muuqata.

Related Articles

News In English

Fikradaha