Casuumadda Muqdisho ee Khaatumo oo khilaaf ka dhax abuurtay Dowladda

|

Muqdisho (ONKOD) Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khilaaf madaxda dalka ay ku keentay in  magaalada Muqdisho lagu casuumo hoggaamiyaha SSC- Khaatumo kaas oo kulama ka wada magaalada Muqdisho.

Sida wararka ay sheegayaan Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa aad ugu xumaaday in Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Soomaaliya caasumad rasmi ah u fidiyo hoggaamiyaha Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali.

Khilaafka  labada masuul ee Xamse iyo Saalax oo  bilowday tan iyo markii la shaaciyay martiqaadka hoggaamiyaha ayaa saacadihii la soo dhaafay banaanka u soo baxay.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Saalax ayaa xoogga saaray sidii loo baajin lahaa safarka magaalada Muqdisho uu ku  yimid Firdhiye hase ahaatee uu ku guuldaraystay taasi.

Ra’isul Wasaare Xamse Barre iyo kuxigeenkiisa khilaafka ka dhax qarxay ayaa laga cabsi qabaa in saameyn ku yeesho howlaha shaqo ee xukuumadda , haddii aan si deg deg ah xal loogu helin khilaafkaasi.

Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa si aan caadi aheyn  loogu soo dhaweeyay Muqdisho, waxa ayna soo dhaweynta maqaamkeedu sareeyay kasii carreesiisay Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka iyo xildhibaannada gobolada waqooyi kasoo jeeda.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha