Ciidamada Amniga DFS oo howl gallo kusoo qabtay Tuugo dhac ka geysanayay Muqdisho

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka gaar ahaan Booliiska ayaa howlgallo lagu soo qabtay burcad dhac u geysatay Dad rayid ah ka sameeyay Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Shacabka kunool degmooyinkaas ayaa Ciidanka Booliiska u gudbiyay cabasho ka dhan ah Kooxo hubeysan oo Habeen iyo maalin dhac u geysta, Hay’adaha ammaanka xaafado kamid ah Yaaqshiid iyo Kaaraan kusoo qabtay Dad ku eedeysan in ay Shacab furanayeen.

Taliye ku xigeenka qaybta guud ee Booliiska Gobolka Banaadir Cali Dhuux Cabdi Mahad alla ayaa Warbaahinta u sheegay in koox dhalinyaro ah oo mid kamid ah ay tahay Haweeney oo baaris dheeraad ah lagu wado.

Waxa uu intaas ku daray in howlgalka inta uu socday lagula dagaalamayay Dhalinyarada loo yaqaan “Ciyaar weerarada” oo degmooyinkaas dhibaatooyin xooggan ka geysta, cabashadoodana la geeyay saldhigyada Booliiska.

“Waxa aan galnay howlgal aan ka sameynay Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan oo lagu xaqiijinayo amniga guud, howlgallada ka socda Muqdisho waxaa looga hortagayaa Kooxaha nabad-diidka ah, Burcadda & dhalinyarada weerarada, waxa aan kasoo billawnay saldhigga kaaraan ilaa saldhigga Hiliwaa waan ku tagnay ilaa aan ka gaarnay saldhigga Yaaqshiid, howlgalkaas sidii loogu talagalay ayuu u dhacay waana wax sii socon doona” ayuu yiri Taliye ku xigeenka qaybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali Dhuux Cabdi.

Degmooyin katirsan Gobolka Banaadir waxaa ka dhaca falal amni darro, Kooxo burcad ah oo qaarkood gaadiid iyo mootooyin wata ayaa Dadka u badan Ardayda waxa ay ka qaataan Telefoonnada gacanta, Kumbiyuutarada iyo agabka kale ay wataan.

Related Articles

News In English

The net-zero impact of World Bank projects in Somalia

The World Bank (WB) is launching the Somali Electricity recovery Project (SERP) which will cost 150M USD and its worth mentioning that the money...

Prominent TV journalist killed, two others injured in Mogadishu bombings

MOGADISHU, Somalia 29 October, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS), the Somali Media Association (SOMA) and the Somali Mechanism for the Safety of Journalists...

Attacks against journalists climb as Somali authorities declare crackdown on press freedom

MOGADISHU, Somalia 27 October, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) are alarmed by the ongoing crackdown by the...

State TV journalist killed while covering military operation on the outskirts of Mogadishu

Mogadishu (Onkod Radio) — Somali Journalists Syndicate (SJS) strongly condemns the bomb attack that targeted Somali National Television (SNTV) journalist, Ahmed Mohamed Shakur alongside...

UK announces new support for people facing famine in Horn of Africa

Mogadishu (Onkod Radio) — Speaking at an event on the humanitarian crisis unfolding in the Horn of Africa at the UN General Assembly in...

Fikradaha

The net-zero impact of World Bank projects in Somalia

The World Bank (WB) is launching the Somali Electricity recovery Project (SERP) which will cost 150M USD and its worth mentioning that the money...

GUURKII AWOOWAYAASHEEN – DOONISTII IYO AQAL-GALKII

Qaybtii 1-aad: Barnaamijka War iyo waaya-arag waxaan maanta ku soo qaadanaynaa sida hablaha loo doono iyo sida aroosyada loo dhiso innaga oo tix raacaynaa...

Dalkeena wuxuu u baahan yahay Ciidan Qaran oo Badbaadiya!

Tani waa farriin ka socota muwaadin Soomaaliyeed oo ay danqeyso xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli uu dalkeena baahi aad...