Ciidamada dowladda oo xiray waddooyinka Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka xiray inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, ayaga oo hakad-geliyay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkayaa jidadka caasimada, mana jiro wax dhaq-dhaqaaq ah, ayada oo u jeedadu tahay in la adkeeyo amniga, maadaama uu shir caalami ah maanta ka dhacayo Muqdisho.

Tallaabada ay qaaday dowladda federaalka ayaa aheyd mid horay loo sii oogaa, maadaama ay shacabka ku wargelisay in la xirayo waddooyinka, isla-markaana ka dalbatay in ay dulqaad muujiyaan saacadaha kooban ee ay martida culus imaaneyso waddanka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay cudur daar ka bixisay saameynta tallaabooyinka lagu adkeynayo amniga magaalada Muqdisho oo shirkan martigelinaysa ay ku yeelaneyso dhaqdhaqaaqa iyo nolosha shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayey tiri dowladdu.

Dhinaca kale shirweynaha maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho ee u dhexeeyo dowlada federaalka iyo waddamada dariska ee loo yaqaano dalalka safka hore ayaa goordhow furmaya, sida ay shaacisay Villa Soomaaliya.

Sidoo lale waxaa la filayaa in hoggaamiyeyaasha dalalka dariska, sida Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti ay soo gaaraan magaalada, si ay uga qayb-galaan shirkan muhiimka ah oo shalay ku furmay si hordhac ah, waxaana is arkay taliyeyaasha ciidamada iyo wasiirada gaashaandhigga ee dalalkan.

Si kastaba, shirka ay magaalada Muqdisho ku yeelanayaan madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ee Ururka Midowga Afrika ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay dowladda Soomaaliya martigeliso, waxaana uu ku soo beegmayaa, ayada oo lasii xoojiyay dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

Related Articles

News In English

Fikradaha