Ciidamo ka soo horjeeda DENI oo xirtay waddooyinka magaalada Garoowe

|

Garoowe (ONKOD ) Magaaalada Garoowe  ee xarunta maamulka Puntlan waxaa fariisino ciidan ka samaysatay , ciidamo ka soo horjeeda madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni kuwaas oo xirtay waddooyin muhiiim ah.

Wararka aan ka helayno magaalada Garoowe ayaa sheegaya in halkaas ay ka taagaan tahay xiisadda ka dhalatay wax ka bedelka dastuurka maamul goboleedka Puntland.

Ciidamadan hubaysan ayaa joojiyey isu-socodka gaadiidka iyo dadka ee goobaha ay fariisimada ka samaysteen.

Arrintan ayaa kor u qaaday walaaca amni ee laga qabo, isku dhac dhex mara ciidamadan ka amar qaadanaya siyaasiyiinta mucaaradka, iyo weliba ciidamada dawladda ee weli ku sugan aagga xarunta baarlamaanka.

Maamul goboleedka Puntland ee hoggaaniyo Saciid Cabdullaahi Deni wali wax war ah ma uusan ka saarin xiisada ka taagan magaalada Garoowe si gaar ah ciidanka ka soo horjeeda ee xirtay waddooyinka.

Dadka ku nool magaalada Garoowe ayaa farta wadna ku haya cabsi ay ka qabaan in magaalada ay isku fara saaraan ciidanka ka amar qaada Madaxwaynaha xilka ka sii dhamaanaya ee Puntland iyo xubnaha mucaaradka .

Related Articles

News In English

Fikradaha