Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo lagu weeraray Muqdisho

|

Raxanreeb (ONKOD ) Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa saaka lagu weeraray , Xaafada  Buulaxuubay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Ciidamo dhar cad ah ayaa la sheegayaa in qaraxan lala eegtay ciidamo ka qayb qaadanayay sugida amniga caasimada ee Muqdisho.

Waxaa la sheegay in qaraxan la galiyay goob ay fariisan jireen , waxaana jirin khasaare soo gaaray ciidanka weerarka lagu qaaday.

Labo askari ayaa ku waxyeeloobay weerarkan qaraxan ee ka dhacay xaafadda Buulaxuubeey ee magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan Dowladda ayaa bilaabay howlgal ay ku doonayeen in ay ku soo qabteen shaqsiyaadkii ka danbeeyay weerarkaas qaraxa ahaa.

Shalay ayay ahayd markii sidan oo kale ciidamo ka tirsan Dowladda qaraxa lagula eegtay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha