Ciidanka dowladda iyo kuwa daraawiishta Galmudug oo howlglo kasameeyay Bacaadweyn

|

Bacaadwayne (ONKOD )Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab iyo gaashaan ka helaya kuwa daraawiishta Galmudug iyo ciidanka deegaanka, ayaa howlgalo ballaaran wali kawada deegaanno kuyaalla gobolka Mudug.

Sida wararku sheegayaan ciidanka huwanta ah ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday dhul howd ah oo kuyaalla deegaanka Shabeelow iyo tuulooyin ku dhaw dhaw oo katirsan gobolka Mudug.

Sidoo kale, Al Shabaab ayaa la sheegay in ay isugu tageen dhul howd ah oo ay gabaad ka dhiganayaan, kaddib markii dhawwaan laga saaray deegaanno ay kamid yihiin Bacaadweyn, Camaara iyo Qeycad.

”Shabeeloow iyo Aaggiisa oo ah hawdka ay gabbaadka ka raadinayaan haraadiga Khawaarijta Koofurta Mudug waxaa ka socda hawlgalka Sifaynta Khawaarijta ee 4-S iyo Geesiyaasha Qaranka, ama weey is dhiibi ama way dhamaan IA’ ayuu yiri Al Cadaala.

Dhanka kale, Howlgalka ciidanka huwanta ah ka wadaan deegaanno dhaca gobolka Mudug ayaa Al Shabaab lagu gaarsiiyay jab xooggan, waxaana Al Shabaab looga qabsaday howlgalkaadi deegaanno badan.

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha