Ciidanka Dowladda & Kooxda AS oo ku dagaalamay Muqdisho

|

Muqdisho (ONKOD) Ciidanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya  iyo xubno  ka mid ah kooxda Al- Shabaab.

Dagaalkan   ayaa  ka dhacay deegaanka ,  Jasiira duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo muddo socday  sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal toos ah.

Saraakiisha Dowladda ayaa  sheegay in dagaalkan uu ahaa mid muddo socday  isla markaana ay ku  jabiyeen kooxda Al- Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Waxa ay sheegeen in ciidanka  markasta ay diyaar u yihiin in ay qaadan talaabo kasta oo ay kaga hortagayaan   kooxda Al- Shabaab sida ay hadalka u dhigeen.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarka ayaa shaaca ka qaaday inay halkaas ku dishay tiro kamid ah askarta ciidamada dowladda, sida ay hadalka u dhigtay.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha