Ciidanka dowladda oo Al-Shabaab kala wareegay deegano hoostaga degmada Waajid

|

Waajid (ONKOD) – Ciidanka Xoogga dalka ayaa la sheegay iney Al-shabaab ka saareen degaan hoos taga degmada Waajid ee Gobolka Bokool. Sidoo kale, Waxaa howlgalkan Ururka 260aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed ayaa Al-shabaab kala wareegay gacan ku haynta degaanka Eel-Boon oo qiyaasti 48 Km Galbeedka kaga beegan degmada Waajid. “Howlgalka xoreynta Eel-Boon ayaa Khawaarijta looga Furtay hub iyo Gawaari ay u isticmaalayeen dhibaateynta shacabka oo ay uga carareen deegaankaas” ayuu yiri sarkaalka hogaaminayey howlgalkaas. Dhanka kale, dhamme Onkod Macalin Aadan Taliyaha Ururka 260aad Ee Guutada 9aad Qeybta 60aad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay iney sii wadi doonaan howlgalka ayna ku wajahan yihiin degaano kale.

Related Articles

News In English

Fikradaha