Ciidanka dowladda oo howlgal qorsheysan ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

|

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya  howlgal qorsheysan oo ciidanka xoogga dalka ka sameyeen saacadihii lasoo dhaafay deegaano hoostaga degmada Wanlaweyn  ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay cutubyo katirsan Ururka 64-aad guutada 7-aad  iyo qeybta 12 April, oo kaashanaya ciidanka Booliska degmada Wanlaweyn, waxa ayna si gaar ah uga sameyeen inta u dhaxeya deegaanada Yaaqbari weyne iyo Leego.

Saraakiisha howlgal hoggaamineysay, ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka uu ahaa mid lagu xaqiijinayo amniga loogana hortagayo dhaq dhaqaaqyada ay Al-shabaab kawada gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in howlgalka ay ku burburiyeen saldhigyo ay kooxda Al-shabaab, ku lahayeen inta u dhaxeysa deegaanada Leego iyo Yaaqbari weyne ee gobolka.

Sikastaba, gobolka Shabeellaha Hoose, waxa uu kamid yahay deegaanada ay Al-shabaab intiisa badan heystaan, waxaana xusid mudan in ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed, ay dhankooda wadaan dhaq dhaqaaqyo ay ku ciribtirayaan kooxda Al-shabaab.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha