Ciidanka Dowladda oo isku eryanaya waddooyinka caasimadda

|

Muqdsho (ONKOD) Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa in ka badan 24- saac waxa ay ku dul dagaalamayaan dadka shacabka ah ee ku nool xaafadaha degmada Dharkanlay ee magaalada Muqdisho.

Dagaalkan waxa la sheegay inuu dhaxmarayo ciidamo uu hoggaaminayo , Sheegow Axmed Cali oo kamid ahaa saraakiisha Xoogga dalka iyo ciidamo kale  ka tirsan Dowladda.

In dhawaalaba waxa  jiray xurguf u dhaxeysay ciidanka  Sheegow iyo kuwa kale oo ku sugan xaafada Kaaba Goday ee degmada Dharkanlay  ugu danbayna xalay ayay fooda is dareen.

Khasaare xooggan oo labada dhinac ah ayaa jira sida ay sheegayaan dadka deegaanka oo aan la hadalnay kuwaas oo cabsi ka qaban hubka culus ee la is waydaarsanayo.

Dhawr  hoobiyaal ah ayaa ku dhacay xaafadaha degmada Dharkanlay sidoo kale waxa  hoobiyaal ay ku dhaceen Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho , lamase oga khasaaraha ay gaysteen.

Ciidamada Dowladda ayaa la sheegay in ay  la wareegeen gurigii ay ka dagaalamayeen ciidamo uu hoggaaminayay Sheegow Axmed Cali kaddib dagaal xalay illaa saakey socdey oo ka dhacay xaafadda Kaawa-Godey ee degmada Wadjir.

Related Articles

News In English

Fikradaha