Ciidanka Israel ayaa si bareer ah, toogasho ku dilay Weriye ka tirsan Aljazeera, Shireen Abu Aqla

|

DOHA (Onkod Radio) – Wariye ka tirsan Aljazeera ayaa lagu dilay rasaas ay ciidamada Israa’iil ku fureen maanta oo Arbaca ah, dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, sida uu sheegay Telefishinka Carbeed ee laga leeyahay dalka Qatar.

Israa’iil ayaa dhankeeda sheegtay in laga yaabo in ay toogteen dad Falastiiniyiin ah oo ay isku dhaceen ciidankeeda.

Mid ka mid ah saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegay in Shireen Abu Akleh ay “dileen” ciidamada Israa’iil xilli ay ka warbixineysay weerar ka dhacay magaalada Jenin, oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay kordheen weerarada ay ciidamadu geysanayaan.

Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa xaqiijisay geerida Shireen Abu Aqla, waxayna sidoo kale sheegtay in weriye labaad oo lagu magacaabo Ali Samodi isna la dhaawacay.

War qoraal ah oo uu soo saaray millitariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in ciidamadooda ay rasaas ku fureen kadib markii ay “rasaas xoog leh” kala kulmeen Jenin.

Sidoo kale waxay intaas ku dareen ‘inay ay suurta gal tahay, in suxufiyaddan ay ku dhimatay rasaas ay soo fureen Falastiiniyiintu’, laakiin hadda uu socdo baaritaanka.

Shireen waxa ay aheyd Weriye aad looga yaqaanay Bariga Dhexe, iyada oo ka mid ahayd Weriyeyaasha ugu saamaynta badnaa laanta Carabiga ee Aljazeera, 20 kii sano ee lasoo dhaafay.

Related Articles

News In English

State TV journalist killed while covering military operation on the outskirts of Mogadishu

Mogadishu (Onkod Radio) — Somali Journalists Syndicate (SJS) strongly condemns the bomb attack that targeted Somali National Television (SNTV) journalist, Ahmed Mohamed Shakur alongside...

UK announces new support for people facing famine in Horn of Africa

Mogadishu (Onkod Radio) — Speaking at an event on the humanitarian crisis unfolding in the Horn of Africa at the UN General Assembly in...

USAID announces $1.5 M to respond to the impact of the drought on Somali children’s education

Mogadishu (Onkod Radio) — USAID has announced that it will provide $1.5 for the Somali children's education programs as the drought had forced thousands...

SJS and SOMA condemn Somaliland’s suspension on independent TV

Mogadishu (Onkod Radio) — Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) strongly condemn the suspension against the privately-owned independent CBA television...

Somalia: UN’s top humanitarian forum warns of ‘tipping point’ as famine risk rises

New York (Onkod Radio) — New York: The world is lurching from crisis to crisis, trapped in a cycle of firefighting and unable to...

Fikradaha

GUURKII AWOOWAYAASHEEN – DOONISTII IYO AQAL-GALKII

Qaybtii 1-aad: Barnaamijka War iyo waaya-arag waxaan maanta ku soo qaadanaynaa sida hablaha loo doono iyo sida aroosyada loo dhiso innaga oo tix raacaynaa...

Dalkeena wuxuu u baahan yahay Ciidan Qaran oo Badbaadiya!

Tani waa farriin ka socota muwaadin Soomaaliyeed oo ay danqeyso xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli uu dalkeena baahi aad...