Ciidanka KENYA & Jubbooyinka dhaqdhaaqyada ay ka wadaan

|

Kismaayo (ONKOD ) Ciidanka Kenya ee ku sugan Jubbooyinka ayaa lagu soo waramayaa in dhaqaaq ciidan ay ka wadaan deegaano ka mid ah gobolkaas.

Ujeedka dhaq dhaqan ayaa lagu sheegay in ay tahay in loo sugi lahaa amniga deegaanada Jubbooyinka halkaas oo ay ku xooggan  yihiin kooxda Al- Shabaab.

Ciidamada ayaa si wadajir ah roondo uga sameeyay deegaanada Tuulo barwaaqo, Wadajir iyo Dhagaxa oo 35km u jira magaalada Dhoobley ee ku dhow xadka Kenya.

Dadka ku nool deeganada ayaa sheegay in ciidanka Kenya ee ATMIS dadka ay ku wargaliyeen in ay kala shaqeeyaan amniga isla markaana ay soo wargaliyaan hadii ay  jiraan dhaqdhaqaaq la xiriira Al- Shabaab.

“Roondeyntu ay ciidamadu sameeyeen waxay gacan ka geysaneysaa sugidda amaanka wadooyinka Muhiimka ah ee ay ka gudbaan saadka iyo dadka ee gobolka Jubada Hoose” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka Kenya.

Dadka iyo gadiidka safarka ah ayaa  la sheegay  in  – ciidanka ay si gaar ah u baarayaan si ay u helaaan wax la xiriira hub ama waxyaabaha qarxa.

Saraakiisha ciidanka Kenya ayaa sheegay in howlgalkan ay  uga gol leeyihiin sidii ay u qaadi lahaayee howlgal ka dhan ah Al- Shabaab si looga saaro deegaanada  Jubooyinka.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha