‘’Ciidanka Kenya way sii joogaan Soomaaliya’’ – William Ruto

|

Nairobi (ONKOD ) Howlgalka ATMIS oo markiisii hore ka yimid AMISOM ayaa hadda waxa socda sidii loo dhimi lahaa ciidanka si ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay ula wareegaan amniga guud ahaan dalka.

Waxaa bar barsocda qorshan talaabooyin kale oo la doonaya in gudaha dalka  ay kaga howlgalaan  ciidamo kale oo ka socda wadamada safka hore kuwaas oo – barataaraya amniga iyo howlgalka ka dhanka ah Al- Shabaab.

Wareysi uu siiyay Madaxwaynaha Kenya William Ruto Telefishanka laga leeyahay Faransiika ee Farnce 24 ayuu ku shaaciyay in ciidanka Kenya ee howlgalka ATMIS ay sii joogi doonaan Soomaaliya si aysan u lumin howlgalka meesha wanaagsan maraya ee ka socda Soomaaliya.

“Waxaan go’aansanay haddaan nahay dalalka safka hore – inaan ku sii jirno koorsadan. Waxaan u aragnaa inay lama huraan tahay inaan ka sii gudubno jadwalka dhimista, si aynaan lumin guulahawaxaan gaarnay, ayuu yiri Willian Ruto.

ATMIS ayaa bilaabay in ay hoos u dhigaan ciidamadooda iyadoo Dowladda Kenya ay sheegtay inay ka cabsi qabto in kooxda Alshabaab ay la wareegto qaar ka mid ah meelaha ay baneeyaan ciidamada.

Waa uu sii hadlay Madaxwaynaha Kenya waxa uu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay isku dayeyso in ay dib isku soo dhisto ka dib markii ay bilaabatay ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ATMIS.

“Caqabadda al-Shabaab waa inaan ka hortagnaa. Waxaan damacsannahay oo aan haysanaa fursad kasta oo aan kaga adkaanno al-Shabaab,” ayuu yiri Ruto.

Related Articles

News In English

Fikradaha