Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kuwa sida gaar ah u tababaran ee Danab ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay, ayaa sheegay in ay burburiyeen xarumo ay Al-shabaab kasoo abaabuli jireen weerarada ay inta badan ka geysteen qeybo kamid ah gobolka.
Saraakiisha kama aysan warbixin khasaaraha ka dhashay howlgalka ay ku burburiyeen xarumaha Al-shabaab.
Shabeellaha Dhexe, waxaa ka socda abaabul xooggan oo ay si wadajir ah u wadaan dowladda Federaalka iyo maamulka Hir-shabeelle, kaasi oo qorshihiisu yahay in deegaanada iyo degmooyinka Al-shabaab kaga sugan yihiin Hir-shabeelle, laga saaro.