Cilmi-baaris war naxdin leh u wadda doobabka iyo garoobbada

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Dadka guursaday waxay u badan tahay inysan u dhiman wadno xanuun marka la barbar dhigo kuwa doobabka ah, sida ku cad cilmi-baaris cusub. Cilmi-baarayaashu waxay arruuriyeen xogta 34 daraasadood oo hore oo ay ku lug lahaayeen in ka badan laba milyan oo qof.

Waxay ogaadeen iyagoo barbardhigaya dadka guursaday in dadka kala tagay, kuwa laga dhintay ama aan waligood guursanin ay 42 boqolkiiba u dhow yihiin inay qaadaan cudurrada wadnaha,iyadoo sidoo kale 16 boqolkiiba ay aad ugu dhowdahay inay qaadaan cudurrada halbowlaha wadnaha ku dhaca.

Dadka aan guursan ayaa sidoo kale boqolkiiba 43 aad ugu dhow inay u dhintaan cudurrada wadnaha halka 55 boqolkiiba ay aad ugu dhowdahay inay u dhintaan faalugga, sida lagu sheegay cilmi-baarista ay sameeysay majaladda Heart.

Inkastoo cilmi-baarista aan lagu faah-faahin sida guurku u caawin karo hagaajinta caafimaadka wadnaha, haddana waxaa jira sababo badan oo guurka laga yaabo inuu yeesho saameyn ilaalin ah oo ay ku jiraan xasillooni dhaqaale oo dheeraad ah iyo taageero bulsho, ayuu yiri qoraaga sare ee daraasadda Dr. Mamas Mamas oo ka tirsan Jaamacadda Keele ee UK.

“Tusaale ahaan waxaa la ogsoonyahay in bukaannadu ay qaataan dawoooyinka muhiimka ah sida kuwa wadne xanuunka qaba ama faalugga oo ay cadaadis isku saaraan qaadashada dawooyinka haddii ay lamaane yihiin ,” ayuu yiri Dr Mamas.

Dr Mamas wuxuu intaa raaciyay in haddii haweenaydu nin leedahay ama ninku xaas leeyahay ay keeni karto amba laga yaabo inay ka caawiso bukaanada inay gartaan xilli hore calaamadaha cudurada wadnaha ama bilawga wadne xanuunka, .

Guurku maaha saadaalinta ugu weyn ee cudurka wadnaha, si kastaba ha ahaatee. Sababaha khatarta ah ee caanka ah sida da’da, jinsiga, dhiig karka, kolestaroolka oo sarreeya, sigaarka iyo sonkorowga ama macaanka ayaa ah qiyaastii 80 boqolkiiba khatarta, cilmi-baarayaashu xuseen.

Dhammaan daraasadaha falanqaynta hadda la sameeyay ayaa la daabacay intii u dhaxaysay 1963 iyo 2015-kii waxaana ku jiray dad da’doodu u dhaxayso 42 ilaa 77 oo ka yimid waddamada Yurub, waqooyiga Mareykanka,Bariga Dhexe, iyo Aasiya.

Furriinka ayaa lala xiriiriyay 33 boqolkiiba sare u kaca dhimashada cudurrada wadnaha iyo in ka badan labanlaab khatarta dhimashada, istaroogga ama faalugga, sida daraasaddu ogaatay . Ragga iyo dumarka is fura ayaa sidoo kale 35 boqolkiiba u dhow inay ku dhacaan cudurrada wadnaha marka loo eego dadka is qaba.

Dhanka kale, dumarka laga dhintay ayaa 16 boqolkiiba ay uga dhowdahay inuu ku dhaco xanuunka faalugga marka loo eego lammaanaha isqaba, laakiin uma muuqato arrintaasi in ay tahay mid kordhin karta wadne xanuunka.

Inkasta oo cilmi-baaris hore ay guurka ku xiriirisay natiijooyin wanaagsan oo loogu talagalay bukaannada qaba dhibaatooyinka wadnaha,haddana daraasaddan waxay bixisaa caddayn cusub oo ah khatarta dadka aan guursan sababo kala duwan, ayuu yiri Brian Chin, cilmi-baare aqoon u leh cilmi-nafsiga kana tirsan Jaamacadda Carnegie Mellon ee Pittsburgh, Pennsylvania,wuxuuna qayb ka yahay dadka daraasaddan wax ka sameeyay.

Related Articles

News In English

Mogadishu police arbitrary detain and threaten journalists covering insecurity in the capital

Mogadishu (Onkod Radio), 4 July, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) strongly condemn the arbitrary detention, threats and...

Several people shot at Copenhagen shopping mall: Danish police

Denmark (Onkod Radio) –Danish police said several people had been hit by gunshots at a shopping mall in the capital Copenhagen. Police reinforcements have been deployed...

SJS and SOMA strongly condemn travesty trial and jail sentence on journalists in Somaliland

Mogadishu (Onkod Radio) – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) strongly condemn the travesty of trial and the one year and four...

Active participation of women and young people in peacebuilding is key to forging social cohesion in Lower Shabelle

Mogadishu (Onkod Radio) – 28 June 2022, Community members, including women and youth groups, met in Marka for the “Promoting Inclusive Action in Peacebuilding”...

Two TV journalists injured in a bomb explosion in central Somalia

Mogadishu (Onkod Radio) –  Somalia 27 June, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) condemn the bomb attack that has injured two...

Fikradaha

Dalkeena wuxuu u baahan yahay Ciidan Qaran oo Badbaadiya!

Tani waa farriin ka socota muwaadin Soomaaliyeed oo ay danqeyso xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli uu dalkeena baahi aad...