Colaadda Ukraine: Maxaa ka jira in Itoobiyaankan ay ku biirayaan dagaalka Ruushka?

|

Kiyv (Onkod Radio)— Tobabnaan dhallinyaro aha ayaa maalinkii labaad ku soo uruuray irida hore ee safaarada Ruushka ku leeyahay caasimada Ethiopia ee Adidis Ababa kadib markii uu baahay war sheegayay in la qorayo askar ka qayb qaadata dagaalka Ukraine.

Si kastaba, afhayeenka safaarada Maria Chernukhin ayaa sheegtay in aysan jirin askar la qorayo oo laga qaadayo Itoobiya, laakiin ay dadka isku soo baxay ay garab istaag u muujiyeen Ruushka.

“Waxaa noo yimaada dad badan oo na soo booqda si ay noogu sheegaan taageerada ay u hayaan Ruushka” ayay u sheegtay BBC da. ” Qaarkood waxay noo sheegayeen in ay nacaawinayaan si walba oo ay awoodaan.” Laakiin ” ma nihin hay’ad askar qorta” ayay intaas ku dartay Chernukhina.

Rag badan ayaa la arkayay iyaga oo wata waraaqahooda aqoonsiga.

Mid ka mid ah dhalinyarada goobta yimid ayaa BBC da u sheegay in uu doonayo in uu mushaar fiican ku helo askarinimada ama shaqo kale la siiyo. ” Sidoo Ruushka waan jeclahay” ayuu yiri. Kuwo kale oo maanta oo Talaado ah isugu soo baxay safaarada horteeda waxay sheegeen in ay maqleen in mushaar badan la bixinayo.

Isbuucyadii la soo dhaafay waxa soo baxayay wararka sheegayay in ciidammo ajnabi ah ay u kala safanayaan labada dhinac ee colaadda Ukraine.

Ukraine ayaa u oggolaatay dagaalamayaasha ajnabiga ah ee doonaya inay ciidammadeeda ka barbardagalamaan inay dalka soo galaan fiisa la’aan, taasoo fursad u noqotay Afrikaanka doonaya inay Yurub gaaraan ee ay inta badan ku adagtahay inay helaan fiisaha.

Bishii la so dhaafay, baraha bulshada iyo farriimaha gaarka ah ee laisku diro ayaa lagu sheegay in Ruushka uu qoranayo kooxoo calooshood u shaqeystayaal ah oo ka barbar dagaallama ciidamada Ruushka ee ku sugan Ukraine, sida ay BBC-da ogaatay.

BBC-da waxay la hadashay sarkaal ka tirsan kooxahan calooshood u shaqeystayaasha ah ahna dagaalyahan hore oo xiriir dhaw la leh calooshood u shaqeystayaasha Ruushka kaasoo lana wadaagay macluumaadka la xiriira qoridda dagaalyahanadan cusub.

Calooshood u shaqeystayaashan waxay sheegeen in dagaalyahan hore oo ka tirsanaa kooxda qarsoodiga ah ee Wagner in lasoo wacay toddobaadyao ka hor inta uusan bilaaban duulaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine, waxaana dagaalyahanadaas lagu marti qaaday goob loo dalxiis tego oo ku taalla Ukraine, waxaana la siiyay “Solo” oo kamid ah cunto uu ku jiro hilibka doofaarka oo si weyn looga cuno dalka Ukraine.

Farriinta loo diray calooshood u shaqeystayaasha ayaa aheyd sidatan “Kuwa horey dambi usoo galay, kuwa lagu leeyahay deymaha iyo kooxaha kale laga mamnuucay inay ku biiraan Wagner ama aan heysan dal ku gal” ma codsan karaan shaqadan.

Waxaana fursad la siin doonaa dagaalyahanada kasoo jeedo gobollada uu Ruushka heysto ee Luhansk, Donestk iyo Crimea. Xigasho Bbc Somali

Related Articles

News In English

Fikradaha