Cumar & Gaas oo Garoowe u tagay xalka Khilaafkii ka dhashay doorashada

|

Muqdisho (ONKOD ) Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas iyo Raysalwasarihii hore ee Soomaaliyar Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ayaa maanta lagu soo dhaweeyey Garoowe.

Waxaa garoonka Garoowe ku soo dhaweeyey Xidhibaano federaalka ah iyo kuwo heer Puntland ah, waxaan ka dhex muuqan soo dhaweynta xukuumadda Puntland.

Mas’uliyiin kala duwan, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa Siyaasiyiintaan kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe, iyada oo la geeyay goobo loo diyaariyay.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in Puntland wax badan looga dayan doono oo ah doorashooyinka wanaagsan ee dhacay, inta harteyna ay noqoto wax wanaagsan oo looga daysado.Garo

Raysalwasaarihii hore Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay, in xil ka saaran yahay haddii dhib jirto sidii ay xal waara loo heli lahaa.

Maalmaah soo socda ayaa waxa lagu wadaa in ay u furmaan shirar looga hadlayo doorashada Puntland ee 2024 iyo sidii loo xalin lahaa xiisada ka dhalatay dagaalkii ka dhacay Magaalada Garoowe.

Related Articles

News In English

Fikradaha