Daawo, Muxuu Farmaajo ka sheegay Caleemo saarka Xasan Sheekh

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey caleema saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah iyo isbedalka ka dhacay dalka Soomaaliya.

Farmaajo ayaa sheegay in guusha maanta taagan ay usoo hoyatay guud ahaan dadka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay doorashadii soo dhammaatay.

“Waa guul usoo hoytay Ummadda Soomaaliyeed oo taariikhda ay xusi doonto waxaan ognahay in dowlado naga fac weyn oo dimoquraadiyad ah ay natiijada doorashooyinkoodu mararka qaarkood uu hareeyo muran iyo khilaafaad,” ayuu yiri Maxamed Farmaajo.

Madaxweynihii hore ee dalka oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey in haatan dalka uu leeyahay dowlad rasmi ah iyo hoggaan cusub oo la doortay, uuna la shaqeyn doono.

“Dalku wuxuu leeyahay dowlad shaqeyneyso iyo hoggaan la doortay oo sharci buuxa leh, waxaan baranay qori isu dhiib inay tahay dhaqan iyo sunno wanaagsan,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dmabeyn wuxuu soo hadal qaaday arrimaha ciidamada, isaga oo uga mahadceliyey sida ay habeen iyo maalin ugu taagan yihiin ilaalinta difaaca iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

“Waxaa kale oo muhiim ah inaan u mahadcelino ciidamada qalabka sida oo habeen iyo maalinba u taagan difaaca dowladnimada, una huray naftooda,” ayuu markale yiri.

Ugu dambeyn Farmaajo ayaa ballan-qaaday in si walaalnimo ah u garab istaagi doono Madaxweynaha mar labaad la doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud, isla-markaana uu siin doono talooyin wax ku ool ah, si loo sii wado horumarka dalka iyo dowladnimada Somalia.

Related Articles

News In English

The net-zero impact of World Bank projects in Somalia

The World Bank (WB) is launching the Somali Electricity recovery Project (SERP) which will cost 150M USD and its worth mentioning that the money...

Prominent TV journalist killed, two others injured in Mogadishu bombings

MOGADISHU, Somalia 29 October, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS), the Somali Media Association (SOMA) and the Somali Mechanism for the Safety of Journalists...

Attacks against journalists climb as Somali authorities declare crackdown on press freedom

MOGADISHU, Somalia 27 October, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) are alarmed by the ongoing crackdown by the...

State TV journalist killed while covering military operation on the outskirts of Mogadishu

Mogadishu (Onkod Radio) — Somali Journalists Syndicate (SJS) strongly condemns the bomb attack that targeted Somali National Television (SNTV) journalist, Ahmed Mohamed Shakur alongside...

UK announces new support for people facing famine in Horn of Africa

Mogadishu (Onkod Radio) — Speaking at an event on the humanitarian crisis unfolding in the Horn of Africa at the UN General Assembly in...

Fikradaha

The net-zero impact of World Bank projects in Somalia

The World Bank (WB) is launching the Somali Electricity recovery Project (SERP) which will cost 150M USD and its worth mentioning that the money...

GUURKII AWOOWAYAASHEEN – DOONISTII IYO AQAL-GALKII

Qaybtii 1-aad: Barnaamijka War iyo waaya-arag waxaan maanta ku soo qaadanaynaa sida hablaha loo doono iyo sida aroosyada loo dhiso innaga oo tix raacaynaa...

Dalkeena wuxuu u baahan yahay Ciidan Qaran oo Badbaadiya!

Tani waa farriin ka socota muwaadin Soomaaliyeed oo ay danqeyso xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli uu dalkeena baahi aad...