Daawo: Yaasiin Farey oo ka hadlay kiiskii Ikraan Tahliil iyo arrimo kale oo xasaasi ah

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Ku-simihii hore ee hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA, Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa markii ugu horeysay bixiyey wareysi uu qeybo ka mid ah uga hadlay kiiska dilkii Ikraan Tahliil Faarax oo maqan mudo ku dhow hal sano.

Yaasiin Farey ayaa ku adkeystay in Ikraan Tahliil ay dileen Al-Shabaab, isagoo sheegay in arrintaas ay ku ogaadeen baaritaan uu sameeyey intii uu ahaa Taliyaha NISA ee gobolka Banaadir.

Wuxuu sheegay in markii Ikraan la waayey uu taliye ka ahaa nabad sugidda gobolka Banaadir, halka Fahad Yaasiina uu dalka ka maqnaa sida uu sheegay, kadibna isaga loo xil-saaray in kiiska Ikraan uu baaro.

Sidoo kale Yaasiin Farey ayaa ku celceliyey in kiiska Ikraan Tahliil la siyaasadeeyey, balse faylalka baaritaankii la sameeyey ay yaallaan xarunta NISA iyo maxkamadda ciidamada oo ay ku wareejiyeen.

Sidoo kale Xildhibaan Yaasiin Farey oo wareysigaan siiyey TV-ga SMS ayaa ka hadlay ciidamada tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaas oo uu sheegay in faahfaahin badan uusan ka heyn, markii laga reebo in dalka ay tababar ugu maqan yihiin.

“Waxaan ciidamada qaranka ku soo dhex jiray 13 sano oo dalkaan waan u soo dakanoobay, hadda waxaan ku biiray baarlamaanka, waxaan soo noqday taliye degmo, taliya qeybta gobolka Banaadir ee NISA iyo Taliyaha guud ee hey’adda NISA, weligey gacanteyda, amar aan bixiyey ama aan ogahay, laguma dhibaateyn qof Soomaaliyeed, waxaana dalbanayaa cafis guud,” ayuu yiri Yaasiin Farey.

Related Articles

News In English

Fikradaha