DABAGAL : Imaaraadka oo markii ugu horeysay duqeyn ka fuliyay Soomaaliya

|

Muqdisho (ONKOD) Diyaarado dagaal oo ay leedahay Dowladda Imaaraadka carabta ayaa duqeymo ka fuliyay deegaano ka mid ah gobolka Shabeellaha hoose.

Waa markii ugu horeysay oo diyaaradaha imaaraadka duqeymo sidan oo kale ah ay ka fuliyaan  meel ka mid ah dalka.

Sida la sheegay duqeymahan ayaa lala eegtay xarumo ay ku sugnayeen xubno ka mid ah kooxd Al- Shabaab halkaas oo ilaa iyo hadda aan la soo sheegin wax khasaaraha oo ka dhashay.

Deegaanada la duqeeyaya waxaa ka mid ah Saban-sabley oo u dhaxeeya deegaanka Cali Axmed iyo degaanka Bud-bud, halkaas oo mararka qaar lagu arko Al-Shabaab.

Diyaaradaha dagaalka ee Imaaraadka carabta ayaa  mid noqonaya xilligaan wixii ka danbeeya , howlgalka ujeedkiisu uu yahay la dagaalanka kooxda Al- Shabaab.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha