Dablay hubeysan oo Muwaadin Soomaaliyeed ku dilay Koonfur Afrika

|

Eastern Cape (ONKOD ) Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil xalay kooxo hubeysan oo South Afrikaan ah ay magaalada Port Elizabeth ee gobolka Westren Cape ugu geysteen muwaadin Soomaaliyeed.

Maxamed Deeq Madar oo loo yaqaanay Carab, waxa uu ku baxay Gacanta Ciidamo dhar cad ah oo sida la sheegey doonayey inay Dukaanka ka baaraan Hub Sharci darro ah, balse iyagana ma isku sheegin waxa ay yihiin Dhallinyarada Dukaanka joogtayna waa ay ka shakiyeen oo waxay u qaateen Tuugo soo weerartay maadaama aysan cadeyn ama Calaamad Askareed ka muuqan.

Kooxda dilka  fulisay ayaa si nabad ah goobta uga tagay, iyadoo daqiiqado kadib ay halkaasi gaareen ciidamo boolis ah oo sameeyay howlgal aan guuleysan.

Carab, ayaa Bistoolad sharciyeysan watay oo durbadiiba dib u baxay kala shakigaas ayeyna xabaddu ku bilaabatay, israsaaseyntaasi ayaa haleeshay.

Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee Gobalka Eastern Cape Siciid Sujuu, ayaa sheegey inay Sharciga la tiigsan doonaan Askartaas weerarka gaysatay ee toogatay Muwaadinka Soomaaliyeed.

Si kastaba, Wadanka Koonfur Afrika waxaa si joogta ah loogu dilaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi u shaqa doontay, mana jirto cid wax ka qabata dilalka, dhaawaca iyo dhaca ay la kulmaan ganacsatada Soomaaliyeed

Related Articles

News In English

Fikradaha