Dad badan oo ku dhibtay dab ka kacay Johannesburg

|

Johannesburg (ONKOD) Inta la xaqiijiyay 63 qof ayaa ku dhintay dab ka kacay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Adeegyada Maareynta Degdegga ah ayaa sheegay in 43 qof oo kale ay ku dhaawacmeen dabka, kaas oo kacay saacadihii hore ee Khamiista.

Robert Mulaudzi oo ah afhayeen dowladda South Africa ayaa sheegay in howlgallo baaritaan iyo badbaado ah ay socdaan, ayna u badan tahay in dhimashadu ay kororto

Goob joogayaal ku sugnaa goobta uu dabku ka kacay ayaa sheegay in laga yaabo in dad gaaraya 200 oo qof ay ku noolaayeen dhismahan oo ku yaala meel cidlo ah oo ka tirsan magaalada ugu weyn Koonfur Afrika .

Dhismuhu waxa uu ahaa “goob dejin aan rasmi ahayn” halkaas oo dadka hoy la’aanta ahi ay gabaad ka dhigtaan iyada oo aan wax heshiis ah lagaaray jirin, sida uu sheegay Mulaudzi.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha