Dadka Kasoo Hayaamaya Abaarta oo Soo Gaaraya Xeryaha Barakacayaasha

|

ĢMuqdisho  (Onkod Radio) — Dhibaatada banii’aadnimo iyo abaarta ka jirta Soomaaliya ayaa kasii dareysa, waxaana xeryaha barakacayaasha soo gaaraya daqiiqad walba dad dhibaateysan oo u badan haween, carruur iyo da’.

Sida ay toddobaadkan sheegtay hey’adda OCHA, 771,400 oo qof ayaa kasoo cararay hoygooda iyaga oo raadinaya biyo, cunno iyo gabbaad.

Xerada Baladul Amiin ee Garasbaalley Duleedka Muqdsho, ayaa ka mid ah meelaha ay dadkaasi kusoo barakaceen iyagoo wareeysi siiyay Tvga Goobjoog, ayaa sheegay dhibaatooyinka kala duwan ee heysta.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa ahmiyad gaar ah siineysa arrimaha banii’aadnnimada iyada oo u magacawday ergay gaar ah, laakin dhibaatada jirta ayaa ah mid aad u daran sida ay ku warrameyso Qaramada Midoobey.

Bilihii January illaa April, ee sannadkan waxaa ay dhibaato banii’aadnnimo saameysay illaa 2.4 million, taasi oo hadddii aan wax laga qaban ka dhigeysa in ay waxyeello kala duwan soo gaari doonto illaa 7.1 million dhammaadka sannadkan.

Related Articles

News In English

Fikradaha